Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Video: Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay in Marka La Arko Sawirrada Ciidamada Al Shabaab Oo Darees Qurxan Iyo Hub Wata La Dareemo Cabsi Iyo Rucbi.
  • Allposts
  • Warar

Video: Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay in Marka La Arko Sawirrada Ciidamada Al Shabaab Oo Darees Qurxan Iyo Hub Wata La Dareemo Cabsi Iyo Rucbi.

January 22, 2018

Hoggaamiyaha wadanka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horraysay ka hadlay qorshaha ay ciidamada shisheeyaha AMISOM uga baxayaan dalka Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi dhinacya badan taabanaya siiyay Telefeshinka Universal ee Afka Soomaaliga ku hadla ayaa sheegay in bixitaanka ciidanka AMISOM uu yimid kadib markii ay cagahooda isku taageen maleeshiyaadka DF-ka!.

Geelle oo umuuqday mid xaqiiqda iska indha tiraya ayaa hoos u dhigay awoodda Al Shabaab wuxuuna marmarka qaar muujinayay in uu ka qarracmo oo uu ka baqo muuqaallada lagasoo duubo dagaalyahannada Al Shabaab.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah hoggaamiye kaligii taliye ah oo aad ula dagaallama warbaahinta madax banaan ayaa ku eedeeyay saxaafadda Soomaalida in kaalintii larabay aysan ka qaadan dagaalka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin balse isagu uu ku sifeeyay dagaalka ‘Argagaxisada ka dhanka ah’, xataa wuxuu dhaliilay qaar kamid ah saxaafadda shisheeyaha sharciyadda siisa.

“Marka dee wariyuhu uu sheegayo Shabaab ciidanada buu oranayaa waa argagaxiso ma oranayo oo ma yaraynayo khatartooda, dagaalkii argagaxisada lagula jiray wuu ka harayaa wariyaha soomaaliga ah taasna dhibaato ayay keenaysaa oo umaddii ayaa jiha wareeraysa cabsi iyo rucbi ayaa imaanaya kolkaasaa lagu tusayaa sawir ay darees qurux badan sitaanoo oo magaranaysaa rasaastii ay ka badatay ciidankii soomaalidana wuxuu la’yahay xabad ay ku dagaallamaan” ayuu yiri Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aysan jirin dhul ay ka taliso Xarakada Al Shabaab isagoo isku dayayay in guulo afka ah uu siiyo ciidamada Xabashida iyo AMISOM oo muddo 10 sanadood ah dagaal daba dheeraaday uga jira Soomaaliya.

Geelle ayaa intii uu wareysigu socday kala hadlayay mar wuxuu oranayay Alshabaab weeraro dhabagal ah ayay dhigaan,mar wuxuu oranayay meel ay joogaan malahan oo awoodoodi waa wiiqantay balse wuxuu aad walaac uga muujiyay muuqaallada dagaalyahanada Alshabaab ee warbaahinta kasoo muuqanaya.

Jabuuti dowladda kajirto mana ogola warbaahinta xurta ah waxayna diidantahay in dhibaatada shacabka heysata adduunka latuso waxaana xusid mudan in Ismaaciil Cumar Geelle uu Kumanaan askari usoo diray Soomaaliya islamarkaana ciidamadiisu ay go’doon ku yihiin laba magaalo oo katirsan gobolka Hiiraan.

Sawirrada quruxda badan ee uu sheegayo in ay kasoo muuqaanayaan warbaahinta waa kuwa mu’asasada Alkata’ib ay faafiso mana jirto warbaahin kale oo alshabaab sawirro kasoo qaadday.

Hoggaamiyaha Jabuuti waxaa la sheegaa in uu yahay maskaxda ka dambeysay in ciidamada Xabashida Itoobiya ee Soomaaliya kusoo duulay loo geliyo shaatiga AMISOM isagoo shacabka Soomaaliyeed laraba gumeysi iyo in ay laheystayaal u noqdaan shisheeye Afrikaan ah.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay arrimaha faqriga iyo dhibaatada heysata dadka Jabuuti ayuu beeniyay wuxuuna yiri “dadka oranaya dowladdu dada magaarsiin nacfiga waa laba uun mid in ay xaasidiin yihiin iyo in ay war moog yihiin”.
Halkan ka Degso Geelle oo Kala hadlaya ama Hoos Ka Daawo

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Waaliga Baay Iyo Bakool Oo Laga Wareystay Arimo Muhiim Ah.
Next: Askar Lagu Dilay Hubna Looga Qaatay Gobalka Baay.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -24-01-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -24-01-1447 Hijri.

July 19, 2025
Maleeshiyada ‘Puntland’ Oo Xeebaha Bari Kula Wareegay Markab Hub U Siday Kooxda Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyada ‘Puntland’ Oo Xeebaha Bari Kula Wareegay Markab Hub U Siday Kooxda Gurguurte.

July 19, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 24-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 24-01-1447-Hijri.

July 19, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025

Sawirro

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada