Nile Post oo ah warbaahin laga leeyahay waddanka Uganda ayaa warbixin ay ka qortay duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya ku sheegtay in hawl-galkani uu ahaa mid ciidamada Afrikaantu ay kala kulmeen khasaare baaxad leh.
Duullaankan macatab-ku-dirirka ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya ayay warbixintu qirtay inuu ahaa hawlgalkii ugu muddada dheeraa isla markaana ugu dhimashada badnaa ee soo mara taariikhda hawlgallada ee Midowga Afrika.
Nile Post wuxuu ka sanqariyey in ciidanka Midowga Afrika ee loo diro Soomaaliya ay dhibaato xooggan kala kulmaan weerarrada ay fuliyaan Mujaahidiinta Al-Shabaab oo warbixintu tilmaantay inay yihiin kuwo joogta ah oo aan kala joogsi lahayn.
Uganda oo warbixintu si gaar ah u xustay ayay sheegtay in ciidamada uu madaxweynaha dalkaasi baadariga lagu magacaabo Yuweri Musaveni u diray Soomaaliya oo ahaa kuwa ugu badan hawl-galka, ay la kulmeen khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kale, warbixintu waxay sheegtay in hawl-galka Midowga Afrika oo labaatan sano kusii dhow uu ku baxay kharash aad u fara badan, iyadoo wakhti-xaadirkanna uu wajahayo caqabado dhaqaale oo aad u daran kadib markii laga goostay lacagihii la siin jiray.
Waxa kale oo warbixintu carabowday in haatan ay jiraan cadaadisyo Midowga Afrika lagu saarayo sidii loo soo afjari lahaa hawl-galka Soomaaliya. Waxaanay xaaladahani ay kusoo aadayaan xilli Maraykanku shaaciyey in dhammaadka sannadkan uu jaraayo saadkii uu siin jiray AUSSOM.