Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Dalka Burundi.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Dalka Burundi.

May 13, 2018

Wadanka Brundi oo qeyb ah wadamada ciidamada Shisheeye ee gumeysi doonka ah usoo diray Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay weerar khasaare badan dhaliyay oo gallaaftay nolosha dad badan oo Brundees ah.

Kooxo hubeysan ayaa tuullada lagu magacaabo Ruhagarika ee hoostagta gobolka Cibitoke, islamarkaana dhacda xuduuda u dhexeysa Brundia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxay habeenimadii Jimcaha ka fuliyeen howlgal ay ku laayeen dad kor u dhaafaya labaatan ruux oo kamid ah shacabka wadanka Brundia.

Wasiirka amniga Brundia Allain Guillaume Bunyoni oo u waramayay wariyaasha ayaa shaaca ka qaaday in 24 ruux oo ku sugnaa guryahooda la dilay, isagoona intaa ku daray in labo ruux oo kale oo dhaawac ahaa ay ku dhinteen xarumaha caafimaadka ee gobolka Cibatoke oo ah halka uu ka dhacay weerarka.

Bunyoni oo sii hadlayay ayaa ku tilmaamay kooxda weerarka fulisay iney ahaayeen koox Argagaxiso ah oo kasoo gudbay dhanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, markii ay gumaadka geysteen kadibna ku laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Goob jooge ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in kooxda hubeysan ee dadka leysay ay howlgalkooda billaabeen 10:00 oo fiidnimo, soona gebe-gebeeyeen saq dhexe xilli saacadu ku beegneyd 02:00, waxaana marka laga soo tago rasaas nool nool oo ay adeegsanayeen ay sidoo kale gubeen qaar kamid ah dadka, taas oo keentay in dadka qaar hilbahooda shiilmaan.

“Dembiiliyaashu guri guri ayay u gelayaan tuulada, dadkana way gowraceen” waxaa sidaas yiri sarkaal katirsan Booliiska gobolka uu gumaadku ka dhacay oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Wuxuu intaa ku daray sarkaalkan la hadlay AFP ” qaar kamid ah dadka waa la toorreeyay, qaarna Xabad ayaa lagu dhuftay, waxaa xitaa jira qoysas dhan oo nolosha lagu gubay, iyagoo ku sugan guryahooda”.

Haweeney kaloo iyadana goob joog ahayd, lana hadashey warbaahinta waxay xaqiijisay in kooxda weerarka fulisay ay wateen baangado, islamarkaana ay dileen ninkeeda iyo labo caruur ah.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo 17-ka bishan May lagu wado in wadanka Brundi uu ka dhaco afti dastuuri ah.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Darsiga Saddex-aad Sidee Kusoo Dhaweynaa Ramadaan?.
Next: Askar American Ah Oo Lagu Dilay Waqooyga Afghanistan.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.

October 21, 2026
Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

October 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri

October 20, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada