Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar Saraakiil Sar Sare Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Konfurta Afghanistan.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Saraakiil Sar Sare Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Konfurta Afghanistan.

October 18, 2018

Wararka ka imaanayo wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in rag hubeysan ay maanta barqadii dileen jeneral katirsanaa ciidanka xukuumada, hadana u sharaxnaa inuu ka mid noqdo baarlamaanka dowlada xilli uu ku sugna qeyba kamid ah gobolka Helmand ee dhaca koofurta wadanka Afghanistan.

Jeneralka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdul Jabaar Qahramaan, waxa uuna kamid ahaa xizbiga Shuuciga ah ee wadanka Afghanistaan, xilliga la dilayana waxa uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaala magaalada Lashkar-Jaah, oo ah caasimada gobolka Helmand.

Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka Sarkaalkan waxa ayna tilmaantay in mujaahidintu ay qarax miino ugu xireen gudaha xafiiskiisa halkaas oo ay ku dhinteen Jeneraalka iyo Laba katirsanaa Lataliye-yaashiisa dhanka siyaasadda sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa lix ka tirsan istaafkiisa khaaska ah.

Cabdul Jabaar Qahramaan ayaa u diyaar garoobay inuu u tartamo kursi ka banana baarlamaanka xukuumada Afghanistan, kaas oo uu ku raja weynaa inuu ku guuleysto, bilihi ugu danbeeyana waxa uu gobolka ka waday Olole uu ugu diyaar garoobayo doorashada soo socota.

Jeneraalkan ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii is xig xigay ee wadanka Afghanistaan, wuxuuna xil sare kasoo qabtay xukuumadii Najiib ee wadanka Afghanistan ka talin jirtay sanadihi 1987-1996di, ilaa hadana kama bixin saaxada siyaasada, sanadihii lasoo dhaafayna wuxuu si toos ah ugu lug lahaa dagaalka Islaam la dirirka ah ee saliibiyiintu ka wadaan wadanka Afghanistan.

Mudo hada laga joogo laba sano ayaa jeneralkan wakiil looga dhigay dagaalka islaam la dirirka ah ee  Mareykanku ay ka wadaan wadanka Afghanistan, wuxuuna fuliyey weeraro badan oo uu ku doonayey inuu kusoo ceshto dhulalka ay mujaahidintu gacanta ku dhigeen, isagoo isticmaalaya Asaaliib kala duwan oo Dhagar ah, balse dhamaan howl galadiisi waxa ay kusoo dhamaadeen Fashil.

Mudadii uu hogaaminayay dagaalka Gobolka Helmand ayuu jeneraal Cabdil Jabaar isticmaalay siyaasada loo yaqaan, Marka hore Burburi, kadibna dhis aad maamushide, isagoo gobolka ka geystay duqeymo fara badan oo aan kala sooceyn shacab iyo Mujaahid, sii uu musliminta u argagax galiyo.

Muhjahidinta Daliban ayaa sheegay in Jeneraalka Shuuciga ah uu gobolka Helmand ka geystay xasuuq wadareedyo kala duwan labadii sano ee lasoo dhaafay, isagoona halkaas ka Aas-Aasay Maleeshiyaad gaaraya ilaa dhowr boqol, kuwaas oo ku caan baxay kufsiga, dhaca, boobka, dilka iyo xasuuq wadareedyada, inkastoo markii danbe mujaahidinta Imaarada ay ku guuleysteen inay baabi’iyaan, dilaana inta dadkii xubnaha ka noqday maleeshiyaadan sumcad xumada ku caan baxay.

Howl galkan ayaa qeyb ka ahaa camaliyaatka Alkhandaq ee imaarada Islaamiga ah ay ka wado wadanka Afghanistan, dilkiisana waxa uu fariin cad yahay cid kasta oo ku lug yeelatay xasuuqyada shacabka musliminta ah ee dhulka Afghanistan, fariintaas oo ah in mujaahidintu aysan marnaba ilaabi doonin dhagar qabayaasha dhibaatada u geystay shacabka dulman ee wadankaas ku dhaqan.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Ciidamada Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Gobalka Gedo.
Next: Ciidamada Burundi Oo Fal Naxdin Leh Ka Geystay Degmada Balcad.

Related Stories

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.

April 22, 2026
Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada