Howlgal ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka degmada Dayniile ee Muqdisho ayaa waxay ku dileen askari murtad ah oo lagu magacaabi jiray Dayax, waxayna kasoo qaniimeysteen Mooto uu watay.
Sidoo kale howlgal qarax ah oo ciidanka Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen xaafada Soona-key ee degmada Hodan, ayaa lagu beegsaday Bar-koontarool oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin
Weerarkaasi qaraxa inta la hubiyay waxaa Alllaah fadligiis lagu dhaawacay laba askari oo murtadiin ah.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay qarax kale kula beegsadeen xaafadda Ramadaan ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho maleeshiyaad murtadiin ah oo qaabilsanaa burburinta iyo dhul-boobka uu murtad Garguurte ka wado deegaanka Ceelasha Biyaha,khasaarena waa uu jiraa.