Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar duqayn ah oo ciidamaa Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ay ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee deegaanka Mubaarak ee wilaayada Sh/hoose, waxaana weerarkaas inta la hubiyay Allaah fadligiis lagu dilay 3 murtad, halka lagu dhaawacay 7 kale.
Sidoo kale, waxay ciidamada Mujaahidiintu qarax la beegsadeen ciidamo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta oo lug ahaa, kuwaas oo horsocday kolonyo gaadiid ah, waxaana jira khasaare soo gaaray saliibiyiinta.
Isla Sh/hoose, ciidamada Mujaahidiinta ayaa qaraxyo gaaraya ilaa 2 qarax waxay la beegsadeen kolonyo Africaan ah oo zaad siday, kuwaasi oo marayay inta u dhaxeeysa Buufow iyo Shalambood, mid ka mid ah qaraxyada ayaa haleelay gaari xamuul ah oo kuntoonar waday, halka midka kalana lala eegtay ciidamo lugeynayey oo kolanyada la socday.
Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Kenya ee deegaanka Ceel-raamo ee hoostaga degmada Ceel-qaalow ee gobolka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.