Waraysi gaar ah oo ay idaacadda islaamiga Al-andalus caawa ku baahisay barnaamijka Faafreebka Wararka, ayaa lagu waraystay Sheekh Xamze Abuu Jacfar oo ah waaliga wilaayada islaamiga Baay, wuxuu sheekhu waraysigan kaga hadlay weerar maleeshiyaadka murtazaqada Riddada Bangaraafta ku qaadeen degmada Buulo-fulaay.
Sheekha ayaa sheegay in maleeshiyaadka Bangarafta Riddada oo diyaaradaha saliibiyiintu taageerayeen ay weerar arbushaad iyo qalqalin gelin amni ah kusoo qaadeen degmada Buulo-fulaay ee wilaayada Baay balse dhagartooda la fashiliyay oo aysan gaarin hadafkooda oo ahaa dhibaateynta dadka shacabka ah ee hoos harsanaya shareecada islaamka.
Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Waaliga WI Baay.