Xilli ay fashilmeen dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu dhax-dhaxaadiyo kooxda Riddada Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayuu Xasan Gurguurte soo xiray dhammaan albaabadii wadahadalka.
Isagoo kalimad ka jeediyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayuu sheegay in ay ku soconayaan qorshayaasha u deggan ee ah in ay awood ku muquuniyaan siyaasiyiinta mucaaradka ah islamarkaana qabtaan doorashooyin ugaar ah.
Gurguurte ayaa meesha ka saaray wax wadatashi dambe ah oo uu layeesho siyaasiyiinta mucaaradka tani oo ka dhigan in albaabada wadahadallada ay soo xirmeen.
Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay xukuumadda Riddada Soomaaliya soo saartay jadwalba doorashooyin ku sheegyo ujeedadoodu tahay in Xasan Gurguurte uu 5 sano oo hor leh kusii joogo xilka madaxweynaha kooxda Riddada.