Qaar katirsan xildhibaannada golaha dawaaqiidda Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa sheegay in ay eryi doonaan mid kamida wasiirrada xukuumadda uu madaxda ka yahay Xamze Cabdi Barre.
Xildhibaannadan oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka golaha dawaaqiidda ayaa sheegay in ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Cali Xoosh oo ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha kooxda Riddada Soomaaliya.
Cagaweyne iyo Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha kaasi oo ku eedaysan wax qabad la’aan iyo musuq maasuq.
Tan iyo markii uu Cabduqaadir Maxamed Nuur noqday guddoomiyaha golaha dawaaqiidda kooxda Riddada ayay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro olole ka dhan ah xukuumadda Xamza Cabdi Barre kaasi oo ka billaabanaya baarlamaanka dhaxdiisa