Qaar kamid ah xildhibaanada Mucaaradka ayaa eedayn kulul ujeediyay Xasan Gurguurte oo ay dusha uga tuureen in mas’uul ka yahay dib udhacyada isku raac-raacay murtadiinta.
Cabdiladiif Sanyare oo warbaahinta lahadlay ayaa carrabaabay in haddii Xasan Gurguurte ku adkeysto waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ay kala dareeri doonaan murtadiinta.
Wuxuu tusaale usoo qaaday in dib usoo rogaal celinta hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhalatay siyaasad xumo iyo qariska xoornimada Xasan Gurguurte sida uu uhadalka udhigay.
Isagoona ka shanqariyay in Aadan Madoobe uu kasoo cararay magaalada Baydhabo sababa laxiriira weerarada sii xoogeysanaya ee halkaasi ka dhacayay isbuucyadii lasoo dhaafay.