The EastAfrican oo ka mida wargeysyada ugu afka dheer bariga Afrika ayaa warbixin uu soo saaray kaga digay burbur uu sheegay inuu kusoo wajahan yahay hawl-galka AUSSOM kadib markii Maraykanku sheegay inuu jarayo dhammaadka sanadkan 2026, maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee UNSOS ee dalka Soomaaliya.
Warbixintu waxay si cad u sheegtay in xiritaanka xafiiskani laga yaabo in ciidamada afrikaanta ee isbahaysiga AUSSOM uu ku qasbo inay ka baxaan Soomaaliya, isla markaana uu si dhamaystiran u wiiqmo dagaalkii lagula jiray jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Boqollaal ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay ayuu warbixintu sheegtay inay halis ugu jiraan in shaqooyinkooda ay waayaan, halka kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ay iyaguna ku khasbanaan doonaan inay dalkooda dib ugu laabtaan wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar, sida ay ka digeen saraakiil iyo diblomaasiyiin uu wargeysku soo xigtay.
“Xiritaanka suurtagalka ah ee xafiiska UNSOS wuxuu sidoo kale halis gelin doonaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee isbahaysiga AUSSOM, isagoo wiiqi doona qaab-dhismeedka amniga ee muddada ku dhow labaatanka sano saldhigga u ahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab” ayuu yiri wargeyska The EastAfrican.
Wadahadallo heer sare ah ayuu wargeysku sheegay inay ka socdaan New York, Washington, Addis Ababa ilaa Muqdisho si looga hortago in xirista xafiiska UNSOS, balse warbixintu calool-nugeyl fara badan ayay ka muujisay waxaas oo dedaal ah.
Sida uu wargeysku ka sanqariyey, ku-simaha madaxa UNSOS, Qurat ul Ain Sadozai, ayaa dhawaan kulan guud oo ka dhacay Muqdisho, kaas oo uu ka qaybgalay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Taageerada Hawlgallada, Atul Khare, ku sheegay suuragalnimada in xafiiska albaabada la iskugu dhufto 31-ka Diseembar.
Suurtagalnimadan waxay si toos ah u taabanaysaa ayay tiri warbixintu, AUSSOM, maadaama ciidamadeedu ay ku tiirsan yihiin adeegyada UNSOS ee dhinacyada gaadiidka, injineernimada, sahayda iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah saadka.
“Mas’uuliyiintu waxay ka cabsi qabaan in haddii taageeradaas meesha ka baxdo, howlgalka Midowga Afrika uusan sii jiri karin….” Ayuu yiri wargeysku, isagoo intaa ku daray in Maraykanku uu si cad u muujiyay inuu hor istaagi doono tallaabo kasta oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku maalgelinayo xafiiska saadka wixii ka dambeeya dhammaadka sannadkan.
Waxa kale oo wargeysku ka dhawaajiyey in qalalaasahan ka aloosan dhinaca maalgelinta uu sidoo kale sababi karo inuu soo dedejiyo in ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Midowga Afrika ay Soomaaliya kaga baxaan wakhti ka horreysa xilligii loo qorsheeyay.
“Qof walba wuxuu u diyaar-garoobi doonaa inuu si ka horreysa qorshihii dalkiisa ugu laabto, taasi waxay dhici doontaa haddii aanay UN-ka iyo AU-du dib u qaybin kheyraadkooda ama aanay helin cid kale oo buuxisa farqiga maalgelinta…” sidaas waxaa yiri ilo xog-ogaal u ah oo wargeysku uu sheegay in wada-hadallada uu la socdo.
Ilo-wareedkan uu wargeysku soo xigtan oo hadalkiisa sii watay ayaa intaas ku daray “Laakiin marka la eego caqabadihii dhawaanahan ka jiray helitaanka maalgelinta howlgalka, waxaa adag in la fisho deeq-bixiye cusub oo soo baxa.”
Sida ay wargeyska u soo tebiyeen dad xog ka helay kulanka, Qurat ul Ain Sadozai ayaa shaqaalaha u sheegtay in haddii xaaladdu isbeddeli weydo, xafiisku uu isu diyaarinayo xaalad kasta oo dhici karta, oo ay ku jirto in la xiro shanta bilood ee soo socota. Haddii taasi dhacdo ayay tiri warbixintu, waxay soo afjari doontaa howlgalka AUSSOM saddex sano ka hor waqtigii markii hore loo qorsheeyay.
Saraakiishu waxay sheegeen ayuu yiri wargeysku, in jawiga kulanku uu ahaa mid murugo leh, waxaanu Atul Khare isagoo shaqaalaha la hadlaya kuna boorrinaya inaysan rajo beelin uu yiri “Markaad niyad-jab dareento, igu kalsoonow, waan idin garab taaganahay. Taasi waa ballan aan idiin qaadayo.”
Mid ka mid ah falanqeeyeyaasha oo wargeyska la hadlay ayaa rajo-beel ka muujiyey Qaramada Midoobey, waxaanu sheegay in fursadda lagu badbaadin karo xafiiska taageerada saadka ee UNSOS ay tahay mid aad u yar.
Si kastaba ha ahaatee, Khare wuxuu qiray ayuu yiri wargeysku, baaxadda caqabadda jirtaa ay le’egtahay, isagoo sheegay in xitaa haddii la raadiyo xalal kale, iyadoo la xiray UNSOS, ay adkaan doonto in la sii wado howlgalka ciidamada AUSSOM.
“Waxaan diyaarinaynaa qorshayaal kala duwan oo ku saleysan xaaladaha iman kara, Midowga Afrika sidoo kale wuxuu baarayaa siyaabo kale oo lagu heli karo taageerada saadka. Laakiin dhinacyo badan ayaa qaba in haddii UNSOS la waayo, ay adkaan doonto in AUSSOM ay sii shaqeyso.” ayuu yiri Khare.
Sida ay muujinayaan ayuu yiri wargeysku, wada-hadallo ka socda dhowr caasimadood, mid ka mid ah qorshayaasha uu ka fiirsanayo Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ah, in la sameeyo hannaan cusub oo taageero, iyadoo lala kaashanayo saaxiib cusub oo diyaar u ah inuu maalgeliyo adeegyada saadka ee howlgalka, si uu u noqdo beddelka taageeradii uu Maraykanku bixin jiray.
Qorshe kale oo wargeysku ka dhawaajiyey, ayaa soo jeedinaya in AUSSOM dib loogu habeeyo qaab ciidan oo dalal badan ay wadaagaan, kaas oo waddan kasta oo ciidamo ku biiriya uu isagu bixiyo taageerada saadka ee ciidamadiisa. Si kastaba ha ahaatee Addis Ababa iyo New York midkoodna weli ma caddeyn sida loo maalgelin doono qaabkan cusub.
Daqiiqado yar gudahood markii uu helay warqaddii Maraykanka, Atul Khare wuxuu la kulmay Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Jeffrey Bartos, si uu u helo faahfaahin ku saabsan saamaynta go’aanka Washington, wuxuuna ka codsaday maamulka Trump inuu sii wado maalgelinta ugu yaraan ilaa dhammaadka sannad-maaliyadeedkan.
Warbixintu waxay tiri “Si kastaba ha ahaatee, arrintaasi wax badan kama aysan beddelin walaaca shaqaalaha ku sugan Muqdisho, kuwaas oo aan hubin in bilaha haray lagu gaari doono heshiis ilaalin kara shaqooyinkooda Soomaaliya.”
Ka dib go’aanka Washington, Midowga Afrika wuxuu 3-dii Luulyo isugu yeeray kulan degdeg ah oo ay yeesheen la-taliyeyaasha difaaca ee dalalka ka wakiilka ah waxa loogu yeero Golaha Afrikaanta ee Nabadda iyo Ammaanka si ay uga tashadaan mustaqbalka howlgalka.
Ilo xog-ogaal ah oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in la-taliyeyaashu ay falanqeeyeen soo jeedin dhigaysa in AUSSOM laga saaro nidaamka hawl-gal ee Qaramada Midoobay, laguna wareejiyo nidaam uu Midowga Afrika uu maal-geliyo isla markaana uu keligiis maamulo.
Warbixintu waxay ka dhawaajisay in welwelka laga qabo xaaladdan qallafsan uu sidoo kale kusii xoogeysanayo gudaha Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa. Iyadoo wax xal ah oo laga soo saarayna aysan jirin kulan ay xubnaha Golaha Nabadda iyo Amnigu yeesheen 8-dii Luulyo.