Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helay Sababta Uu Isku Casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helay Sababta Uu Isku Casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya.

October 8, 2017

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in guddoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya uu iscasilay isagoona dowladda ku eedeeyay in ay xasuuq ku heyso qowmiyadda uu kasoo jeedo ee Oromada.

Wargeyska Addis Ababa Standard ayaa faafiyay in Abadula Gemeda uu isaga tagay shaqadii uu u hayay Taliska Tigreega ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa.

Abadula Gemeda ayaa istiqaaladiisa dhiibtay isagoo si cara leh uga hadlay xasuuqa ay ciidamada Melleteriga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Liyuu Booliska ka wadaan gobolka Oromia ee kaabiga ku haaya magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Abadula Gemeda uu istiqaaladiisa u dhiibay dowladda Federaaliga Itoobiya isagoo ka cabanaya, xasuuqa iyo gabood fallada ay ciidamada Melleteriga iyo kuwa ammaanka ay ka wadaan gobolka Oromia gacan ka hadalkaas oo sababay in ay barakacaan dad ka badan 150-kun oo qof” sidaas waxaa faafiyay wargeyska Addis Ababa Standard.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kacdoonada ka socda gobollada Oromia iyo Amhara uu sababay kala qeybsanaan aan horay loo arag oo soo kala dhaxgashay xildhibaanada golaha baarlamaanka iyo wasiirrada arrinkaas oo keenay in habacsanaan ay soo wajahdo dowladda Federaaliga Itoobiya.

Waxaa guul darreystay dadaallo uu wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya ku doonayay in guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyo ka joogsashada iscasiladda, inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya ee kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa dibad joog ka ah kulamada joogtada ah ee ka dhaca magaalada Addis Ababa.

Tani waa kala qeybsanaantii ugu horraysay ee dhanka siyaasadda ah ee uu reebo kacdoonka shacbiga Itoobiya, hay’adaha xuquuqul inshaanka sheegta ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay in awood xad dhaaf ah ay u adeegsatay dambinta kacdoonka shacbiga ah.

Dhibaatada ugu daran waxay ka jirtaa gobolka Oromia halkaas oo xukuumaddu ay udirtay maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha Soomaalida Liyuu Booliska loo yaqaan waxaana lagu eedeeyay in ay geysteen kufsi jamaaci ah iyo xasuuq aan kala sooc laheyn sida iyagoo gubay in kabadan 50 tuulo islamarkaana laayay kumanaan neef oo lo’ ah.

Abadula Gemeda ayaa ahaa siyaasi ruug caddaa ah kaasi oo kasoo dhax muuqan jiray mas’uuliyiinta xukuumadda Xabashida Itoobiya, xilligii uu Males Zenawi ahaa R/wasaaraha wadanka wuxuu soo qabtay xilal kala duwan sida isagoo noqay madaxweynaha maamul goboleedka Oromia iyo wasiirka difaaca.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka iscasilay uu ahaa buundo ay Tigreegu uga gudbaan itoobiya inteeda kale balse buundadaasi ay ciladowday.

Qowmiyadda Ormada oo badankeed ah muslimiin waa lagu qiyaasaa 45 milyan oo qof kuwaas oo sanadadii lasoo dhaafay wajahayay cadaadis dhan walba ah oo uga imaanaya dowladda Itoobiya, balse sanadadii dambe waxay qowmiyaddu hormuud u aheyd kacdoon isbedel doon ah oo wadanka intiisa kale ka hana qaaday.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Diyaarad Ay La Socdeen Askar American Ah Oo Lagu Soo Riday Afghanistan.
Next: Kolanyo Ka Tirsan Shisheeyaha Oo Qarax Lala Beegsaday.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1448-Hijri

June 16, 2026
Mujaahidiinta Oo War Kasoo Saaray Booqashadii Uu Cirro Ku Tagay Dhulka Yahuuddu Xoogga Ku Haysato (Bayaan)Akhris+Dhagaysi.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Oo War Kasoo Saaray Booqashadii Uu Cirro Ku Tagay Dhulka Yahuuddu Xoogga Ku Haysato (Bayaan)Akhris+Dhagaysi.

June 16, 2026
Cirro Oo Si Rasmi Ah Xarigga Uga Jaray Safaarad Maamulkiisu Ka Furtay Qudus.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Si Rasmi Ah Xarigga Uga Jaray Safaarad Maamulkiisu Ka Furtay Qudus.

June 16, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada