Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee kooxda ridada Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku qirtay in la jabsaday nidaamka E-visa oo ahaa dal ku gal ay kooxda ridada Soomaaliya kusoo rogtay dadka kasoo daganaya garoomada Soomaaliya.
Bayaankaan kasoo baxay kooxda ridada ayaa lagu sheegay la jabsaday xogta dadkii qaatay dal ku galka E-visa, iyagoona sheegay in gudi loo saaray kuwaasi oo soo baaraya cidda ka danbeeysay in la jabsaday E-visa.
Kooxda ridada Soomaaliya ayaa fadeexad kala kulantay kadib markii la jabsaday E-visa, taasoo ku qasabtay in muddo maalmo ah ay ka aamusaan arrintaan.
Warbixin dhwaan kasoo baxday Dowladda Mareykanka iyo ilo amni oo caalami ah ayaa xaqiijisay in nidaamka e-Visa ee ay sameysay kooxda ridada Soomaaliya si buuxda loo jabsaday, lana dhacay dhammaan xogta dad gaaraya ilaa 35,417 qof ee codsaday fiisahaasi.
Arrintaan ayaa keentay in ka badan 60 khabiir oo sirdoon shisheeye ah ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, kaddib markii Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ay sheegtay in 11-kii November 2025 la jabsaday nidaamka E-visa ee kooxda ridada Soomaaliya.
Xubnahaan Sirdoonka ah ayaa bixitaankooda yimid kadib markii la sheegay in kooxo aan la garanaynin ay gacanta ku dhigeen xogta in ka badan 35,000 qof oo isticmaalay nidaamka E- Visa oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Mareykanka.
safaaradaha shisheeye ee Muqdisho ku sugan ayaa joojiyey isticmaalka nidaamka E-visa ee kooxda ridada, iyaga oo ka cabsi qaba in xogtooda la faafiyo.