Wasiirka arrimaha dibadda Yahuudda, gaalka lagu magacaabo Gideon Saar ayaa sheegay in daraasad muddo badan ay ku samaynayeen gobollada dhaca waqooyi-galbeed Soomaaliya kadib, ay go’aansadeen in xiriir toos ah ay la yeeshaan maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Intii uu wasiirkani ku gudo-jiro baaqasho uu maalmo ka hor ku tagay magaalada Hargeysa, ayaa waraysi uu siiyey mi ka mida telefishannada sida weyn ugu ol’olaynayay xiriirka Yahuudda, ayuu ku sheegay in asbaabha ay u danaynayaan Somaliland ay ka mid tahay boqcadda ay ku taallo oo uu ku tilmaamay goob istaraatijiya.
Gideon Saar, waxa uu ka sanqariyey in khubaro Yahuud ah oo ka socotay maamulka Talaabiib ay in muddo ah joogeen Somaliland, gaar ahaan ka hor intii aanay madaxa maamulkaasi murtad C/Raxmaan-Cirro kala saxiixan heshiisyada ay wada galeen labadan maamul.
Gideon ayaa yiri “Dhab ahaantii, xattaa ka hor intii aanan saxeexin heshiiskan, waxaa halkan joogay khubaro dhanka biyaha ah, oo bilaabay barashada nidaamka biyaha, ee Somaliland, si aan u ogaanno halka aan gacan ka geysan karno iyo sida loo casriyeyn karaba”
Intii uu waraysigani socday, waxa uu hoosta ka xariiqay wasiirku in xiriirka Hargeysa iyo Talaabiib uu si gaar ah muhimmad ballaaran ugu fadhiyo maamulka gumaystaha Yahuudda, isla markaana uu salka ku hayo ka hor-tegista hawl-gallada ka dhanka ah Sahaayinada.
Xiriirkan dhex-maray maamulka gaalla-raaca Somaliland iyo maamulka Sahaayinada ayuu wasiirku tilmaamay inuu qayb weyn ka qaadan doonno duullaanka saliibiga ah ee ka socda Soomaaliya ee lagula jiro Mujaahidiinta Bariga Afrika ee Xarakada Al-Shabaab.
Wasiirku waxa uu carrabka ku dhuftay in agaasimaha guud ee wasaaraddiisa uu si gaar ah ugu xil-saaray horumarinta xiriirka dhaqaale ee maamullada Talaabiib iyo Hargeysa.
Gideon Saar waxa uu ka dhawaajiyey in xiriir dhinaca caafimaadka ay la leeyihiin Somaliland isla markaana sannadkii u dambeeyey oo kaliya 49 caruur ah oo u dhalatay waqooyi-galbeed, daaweyn ahaan loo geeyey deggaannada Yahuuddu ay xoogga ku haysto.
Booqashada uu wasiirkani ku tagay magaalada Hargeysa ayaa imanaysa kadib markii uu dhawaan R/Wasaaraha maamulka Sahaayinadu uu ku dhawaaqay in maamulka Riddada Somaliland uu u aqoonsaday dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale.