Abiy Axmed oo ah ra’iisul wasaaraha dowladda xabashida Itoobiya, ayaa markale dib usoo celiyay damaca dowladdiisa ee ku aaddan biyaha badda, isagoo sheegay in dalkiisa iyo kuwa la midka ah aysan bad la’aan noqon karin.
Isaga oo ka hadlayay shirweynaha 39aad ee hoggaamiyeyaasha Africa, ayuu ku dooday Abiy Axmed in dalalka ay dadkoodu ka badanyihiin 130-ka milyan sida Itoobiya inay u baahanyihiin marin dekad oo ammaan ah, si loo hubiyo buu yiri horumar dhaqaale oo waara iyo xasillooni sida uu hadalka u dhigay.
Abiy Axmed oo shirkaasi ka hadlayay ayaa nuqul ka mid ah hadalkiisa ku yiri “waddamada dadka badan kama joogsan karaan xadgudubka juqraafiga ah,”.
Wuxuu intaas ku daray oo uu adkeeyay in damacooda gaarista biyaha badda uu muhiim u yahay ganacsiga, kororka warshadaha, amniga cuntada, iyo adkaysiga dhaqaalaha sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa muhiim ah in la hubiyo marin bad oo ammaan ah iyada oo loo marayo iskaashi nabdoon,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abiy Axmed.
Hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka ay ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, Abiy ayaa horay u sheegay in dowladdiisu xoog ama xeelad ku raadin doonto gaaritaanka biyaha badda.