Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa barnaamijka markale marti ku ah Ustaad sheekh Abuu Muxammad, waxaana barnaamijka lagu faaqiday Arkaanta iyo Usuusha ay ku taagan tahay faafinta dacwada islaamiga ah, waxa laga doonayo ruuxa daaciga ah si ay dacwadiisa u miradhasho.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.