Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Oo Markale Gantaalo Ku Garaacay Sacuudiga.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Oo Markale Gantaalo Ku Garaacay Sacuudiga.

April 12, 2018

Wararka ka imaanayo dhulka Jaziirada carabta ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay wadanka sucuudiga uu la kulmay ilaa 4 weerar oo kala duwan kuwaas oo loo adeegsday diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalada ridada dheer Balastika loo yaqaano.

Maleshiyaadka Xuthiyiinta Shiicada ah ee ay iiraan taageerto ayaa sheegtay inay kuweeraren diyaarado Drones ah Garoonka Diyaarada Abha oo kuyaala Gobolka Casiir iyo shirkada ugu weyn soo saarka Shidaalka sucuudiga ee Aramko, xarunteeda Gobolka Jaazan oo dhaca koofurta wadankasi.

Duqeynta diyaaradaha ayaan la sheegin khasaaraha ka dhashay balse garoonka diyaaradaha Abha ayaa shalay gelinkii danbe Hakiyey dhamaan duulimaadyadii kabaxayey iyo kuwii kasoo degayay intaba.

Sarkaal u hadlay Maamulka Aala Sucuud ayaa sheegay in ciidankoodu ay ku guuleysteen inay dhulka soo dhigaan laba diyaarad oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee meelaha fog laga hago, kuwaas oo isku dayey inay weeraran garonka Abha iyo Shirkada Aramko.

Saacado yar kadib ayay markale Maleshiyadka Xuthiyintu Saarukh nooca ridada dheer ah ku rideen Magaala Madaxda Sucuudiga ee Riyaad, iyagoona sheegtay inay weerareen Wazaarada Difaaca dowlada Sucuudiga.

Qaraxyada madaafic gaaraya ilaa 3 ayaa laga maqlay Hawada Sare ee Magaalada Riyaad, kuwaas lasheegay inay ahaayeen sawarikh looga hortagayey duqeymaha ay Xuthiyintu la damacsanaayeen xarunta wazarada difaacada Sucuudiga ee Magaalada Riyaad.

Duqeymahan is xiga ayaa imaanaya Maalin kadib markii uu Masuul ka tirsan Maleeshiyaatka Xuthiyiinta uu sheegay inay maalin walba wadanka Sucuudiga kuweerari doonaan Gantaalada Balastika ah, xarumahoodana ay la beegsan doonaan weeraro uusan carabaabin noocooda.

Maalin kahor ayay ahayd markii afar katirsan ciidamada Sucuudiga lagu dilay dagaal ay Maleeshiyada Xuuthiyiinta ah kula galeen xuduud-beenaadka ay wadaagaan wadamada Yemen iyo Sucuudiga.

Xuuthiyiinta wadanka Yemen oo ah Maleeshiyo shiico ah ayaa sanado badan waxaa ay taageero dhaqaale iyo mid militari ka heli jireen wadanka Sucuudiga si ay ula dagaalamaan Mujaahidiinta Al-Qaacidada Jaziirada Carabta, balse sanadihii dambe ayaa waxaa aad usoo xumaaday xiriirka ka dhexeeyay labada dhinac ee horey ugu shirkoobay ladagaalanka Mujaahidiinta, taas oo keentay in Xuuthiyiintu ay ku faraq-xirtaan dowlada iiraan oo ay isku caqiido yihiin, dagaalna kala horyimaadaan maamulka Sucuudiga.

Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ayaa qabsaday qaybo fara badan oo kamid ah Wadanka Yemen oo ay ku jiro Caasimada Sanca, waxaana tan iyo bishii Maarso ee 2015 wadankaas ka socda dagaal cir iyo dhul ah oo ay Xulafada Sucuudiga iyo imaaraadku ay hogaaminayaan aka wadaan wadana Yemen, kaas oo ay ka dhasheen dhibaatooyin baaxad leh oo soo gaaray dadka shacabka ah .

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Qaasim Daahir Oo Ka Hadlay Sida Diyaaradaha Mareykanka Duqeynta Ugu Dileen Walaashiis Luul Daahir.
Next: Dad Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Darbi Ku Dumay Beledweyne.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-01-1447-Hijri.

June 29, 2025
Mujaahidiinta Oo Dagaal La’aan La Wareegay Deegaanka Ceel-qooxle Ee Hiiraan.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Dagaal La’aan La Wareegay Deegaanka Ceel-qooxle Ee Hiiraan.

June 29, 2025
Dagaal Lagu Jabiyay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal Lagu Jabiyay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

June 28, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada