Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Oo Markale Gantaalo Ku Garaacay Sacuudiga.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Oo Markale Gantaalo Ku Garaacay Sacuudiga.

April 12, 2018

Wararka ka imaanayo dhulka Jaziirada carabta ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay wadanka sucuudiga uu la kulmay ilaa 4 weerar oo kala duwan kuwaas oo loo adeegsday diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalada ridada dheer Balastika loo yaqaano.

Maleshiyaadka Xuthiyiinta Shiicada ah ee ay iiraan taageerto ayaa sheegtay inay kuweeraren diyaarado Drones ah Garoonka Diyaarada Abha oo kuyaala Gobolka Casiir iyo shirkada ugu weyn soo saarka Shidaalka sucuudiga ee Aramko, xarunteeda Gobolka Jaazan oo dhaca koofurta wadankasi.

Duqeynta diyaaradaha ayaan la sheegin khasaaraha ka dhashay balse garoonka diyaaradaha Abha ayaa shalay gelinkii danbe Hakiyey dhamaan duulimaadyadii kabaxayey iyo kuwii kasoo degayay intaba.

Sarkaal u hadlay Maamulka Aala Sucuud ayaa sheegay in ciidankoodu ay ku guuleysteen inay dhulka soo dhigaan laba diyaarad oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee meelaha fog laga hago, kuwaas oo isku dayey inay weeraran garonka Abha iyo Shirkada Aramko.

Saacado yar kadib ayay markale Maleshiyadka Xuthiyintu Saarukh nooca ridada dheer ah ku rideen Magaala Madaxda Sucuudiga ee Riyaad, iyagoona sheegtay inay weerareen Wazaarada Difaaca dowlada Sucuudiga.

Qaraxyada madaafic gaaraya ilaa 3 ayaa laga maqlay Hawada Sare ee Magaalada Riyaad, kuwaas lasheegay inay ahaayeen sawarikh looga hortagayey duqeymaha ay Xuthiyintu la damacsanaayeen xarunta wazarada difaacada Sucuudiga ee Magaalada Riyaad.

Duqeymahan is xiga ayaa imaanaya Maalin kadib markii uu Masuul ka tirsan Maleeshiyaatka Xuthiyiinta uu sheegay inay maalin walba wadanka Sucuudiga kuweerari doonaan Gantaalada Balastika ah, xarumahoodana ay la beegsan doonaan weeraro uusan carabaabin noocooda.

Maalin kahor ayay ahayd markii afar katirsan ciidamada Sucuudiga lagu dilay dagaal ay Maleeshiyada Xuuthiyiinta ah kula galeen xuduud-beenaadka ay wadaagaan wadamada Yemen iyo Sucuudiga.

Xuuthiyiinta wadanka Yemen oo ah Maleeshiyo shiico ah ayaa sanado badan waxaa ay taageero dhaqaale iyo mid militari ka heli jireen wadanka Sucuudiga si ay ula dagaalamaan Mujaahidiinta Al-Qaacidada Jaziirada Carabta, balse sanadihii dambe ayaa waxaa aad usoo xumaaday xiriirka ka dhexeeyay labada dhinac ee horey ugu shirkoobay ladagaalanka Mujaahidiinta, taas oo keentay in Xuuthiyiintu ay ku faraq-xirtaan dowlada iiraan oo ay isku caqiido yihiin, dagaalna kala horyimaadaan maamulka Sucuudiga.

Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ayaa qabsaday qaybo fara badan oo kamid ah Wadanka Yemen oo ay ku jiro Caasimada Sanca, waxaana tan iyo bishii Maarso ee 2015 wadankaas ka socda dagaal cir iyo dhul ah oo ay Xulafada Sucuudiga iyo imaaraadku ay hogaaminayaan aka wadaan wadana Yemen, kaas oo ay ka dhasheen dhibaatooyin baaxad leh oo soo gaaray dadka shacabka ah .

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Qaasim Daahir Oo Ka Hadlay Sida Diyaaradaha Mareykanka Duqeynta Ugu Dileen Walaashiis Luul Daahir.
Next: Dad Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Darbi Ku Dumay Beledweyne.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026
Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.

June 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada