Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Faah Faahin: Al Shabaab oo Fashilisay isku day weerar oo ciidamo American ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee Sh/Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Faah Faahin: Al Shabaab oo Fashilisay isku day weerar oo ciidamo American ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee Sh/Hoose.

December 5, 2018
Sawir hore qalab melleteri oo ciidamada huwanta ah uga carareen deegaanka Mubaarak sh/hoose

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hor tagay weerar habeen dheelmada ah oo ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ku dhaxmareen ciidamada mujaahidiinta iyo kuwa soo duulayaasha Mareykanka oo ay la socdeen maleeshiyaad dabadhilifyo Soomaali ah.

Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka xalay saqdii dhexe ayay ciidamada huwanta ah diyaarada kusoo degeen duleedka degmada Awdheegle kadibna iyagoo lugeynaya ayay qaab Infenteri ah ku galeen magaalada balse mar qura ayay xabaddu meel walba uga bilaabatay.

Sida muuqata xoogaga Al Shabaab oo lasocday dhaq dhaqaaqa ciidamada Americanka ayaa dabin adag u dhigay huwanta taas oo keentay in khasaare lixaad leh uu kasoo gaaro dagaalka ayna ku fashilmaan qorshihii ujeedka weerarkooda.

“Mujaahidiintu si adag ayay isaga difaaceen weerar ay ciidamo saliibiyiin Mareykan ah iyo maleeshiyaadka Murtadiinta Bangaraafta kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee wilaayada islaamiga Sh/Hoose, Alle Mahaddiis gaaladu waa ku fashilmeen ujeedkii weerarkooda mujaahidiintuna dharbaaxo adag ayay ku dhufteen markii damabana waxay maciin bideen duqeymo xagga cirka ah iyana wax khasaara ah kamasoo gaarin muslimiinta” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska degmada halkaas oo aheyd meeshii ay cagta soo dhigeen ciidamada huwanta ah.

Dagaal muddo socday kadib ayay ciidamada Mareykanka iyo maleeshiyada Bangaraafta ka firxadeen magaalada iyagoona xabaddu ku socotay, daqiiqado kadib waxaa hawada Awdheegle soo galay diyaarado kuwaas oo qaab raacda reeb ah laba gantaal ugu duqeeyay gudaa magaalada.

Gantaalka koowaadka ayaa ku dhacay suuqa weyn ee degmada halka gantaalka kale uu ka dhacay xaafadda Caanoole balse majirin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay duqeymaha marka laga reebo burbur gaaray dhismayaashii ay duqentu beegsatay.

Saaka markii uu waagu baryay ayaa goobihii lagu dagaallamay lagu arkay dhiig daadsan iyo haraadiga qalab caafimaad sida faashado waxaana loo malaynayaa in ciidamada Huwanta ah uu khasaaro kasoo gaaray dagaalkii xalay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Bangaraafta iyagoo dhimasho iyo dhaawacyo wata ay dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha Balidoogle oo markii hore ay kasoo duullaan tageen.

Bilo ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale ay weerar fashilmay ugu qaadeen deegaanka Mubaarak oo qiyaastii 8Km dhanka galbeed uga beegan Awdheegle, sidoo kale sanaddii 2017 weerar habeen dheelmad ah oo ciidamada Mareykanku ku qaadeen deegaanka Daarusalaam ayaa looga dilay sarkaal sare oo American ah kaas oo kamid ahaa saraakiishii ka qeyb qaadatay howlgalkii lagu dilay Sheekh Osama Bin Laden sanaddii 2011.

Dadka odorosa arrimaha melleteriga ayaa sheegaya in dhiifanaanta dagaalyahannada Al Shabaab melleteri ahaan iyo sirdoon ahaan ay waxba kama jiraan ka dhigtay weeraradii habeen dheelmadka ahaa ee ay qaadi jireen ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya kusoo duulay waxaana hoos udhacay tirada weerarada marka loo eego sida ay ahaayeen sanadadii hore.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Shisheeyaha Lagula Beegsaday Muqdisho
Next: Akhriso Xog Dheeraad Ah Oo Ku Aadan Weerarka Fashilmay Ee Awdhiigle.

Related Stories

Qof Kasoo Jeeda Soomaaliya Oo Kooxo Burcad Ah Ku Dileen Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Warar

Qof Kasoo Jeeda Soomaaliya Oo Kooxo Burcad Ah Ku Dileen Koonfur Africa.

August 16, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 22-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 22-02-1447-Hijri.

August 16, 2025
Maleeshiyo Lagu Weeraray Duleedka Xudur Iyo Sarkaal Lagu Toogtay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyo Lagu Weeraray Duleedka Xudur Iyo Sarkaal Lagu Toogtay Muqdisho.

August 16, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada