Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Faah Faahin: Al Shabaab oo Fashilisay isku day weerar oo ciidamo American ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee Sh/Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Faah Faahin: Al Shabaab oo Fashilisay isku day weerar oo ciidamo American ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee Sh/Hoose.

December 5, 2018
Sawir hore qalab melleteri oo ciidamada huwanta ah uga carareen deegaanka Mubaarak sh/hoose

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hor tagay weerar habeen dheelmada ah oo ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle ee Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ku dhaxmareen ciidamada mujaahidiinta iyo kuwa soo duulayaasha Mareykanka oo ay la socdeen maleeshiyaad dabadhilifyo Soomaali ah.

Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka xalay saqdii dhexe ayay ciidamada huwanta ah diyaarada kusoo degeen duleedka degmada Awdheegle kadibna iyagoo lugeynaya ayay qaab Infenteri ah ku galeen magaalada balse mar qura ayay xabaddu meel walba uga bilaabatay.

Sida muuqata xoogaga Al Shabaab oo lasocday dhaq dhaqaaqa ciidamada Americanka ayaa dabin adag u dhigay huwanta taas oo keentay in khasaare lixaad leh uu kasoo gaaro dagaalka ayna ku fashilmaan qorshihii ujeedka weerarkooda.

“Mujaahidiintu si adag ayay isaga difaaceen weerar ay ciidamo saliibiyiin Mareykan ah iyo maleeshiyaadka Murtadiinta Bangaraafta kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee wilaayada islaamiga Sh/Hoose, Alle Mahaddiis gaaladu waa ku fashilmeen ujeedkii weerarkooda mujaahidiintuna dharbaaxo adag ayay ku dhufteen markii damabana waxay maciin bideen duqeymo xagga cirka ah iyana wax khasaara ah kamasoo gaarin muslimiinta” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska degmada halkaas oo aheyd meeshii ay cagta soo dhigeen ciidamada huwanta ah.

Dagaal muddo socday kadib ayay ciidamada Mareykanka iyo maleeshiyada Bangaraafta ka firxadeen magaalada iyagoona xabaddu ku socotay, daqiiqado kadib waxaa hawada Awdheegle soo galay diyaarado kuwaas oo qaab raacda reeb ah laba gantaal ugu duqeeyay gudaa magaalada.

Gantaalka koowaadka ayaa ku dhacay suuqa weyn ee degmada halka gantaalka kale uu ka dhacay xaafadda Caanoole balse majirin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay duqeymaha marka laga reebo burbur gaaray dhismayaashii ay duqentu beegsatay.

Saaka markii uu waagu baryay ayaa goobihii lagu dagaallamay lagu arkay dhiig daadsan iyo haraadiga qalab caafimaad sida faashado waxaana loo malaynayaa in ciidamada Huwanta ah uu khasaaro kasoo gaaray dagaalkii xalay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Bangaraafta iyagoo dhimasho iyo dhaawacyo wata ay dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha Balidoogle oo markii hore ay kasoo duullaan tageen.

Bilo ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale ay weerar fashilmay ugu qaadeen deegaanka Mubaarak oo qiyaastii 8Km dhanka galbeed uga beegan Awdheegle, sidoo kale sanaddii 2017 weerar habeen dheelmad ah oo ciidamada Mareykanku ku qaadeen deegaanka Daarusalaam ayaa looga dilay sarkaal sare oo American ah kaas oo kamid ahaa saraakiishii ka qeyb qaadatay howlgalkii lagu dilay Sheekh Osama Bin Laden sanaddii 2011.

Dadka odorosa arrimaha melleteriga ayaa sheegaya in dhiifanaanta dagaalyahannada Al Shabaab melleteri ahaan iyo sirdoon ahaan ay waxba kama jiraan ka dhigtay weeraradii habeen dheelmadka ahaa ee ay qaadi jireen ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya kusoo duulay waxaana hoos udhacay tirada weerarada marka loo eego sida ay ahaayeen sanadadii hore.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Shisheeyaha Lagula Beegsaday Muqdisho
Next: Akhriso Xog Dheeraad Ah Oo Ku Aadan Weerarka Fashilmay Ee Awdhiigle.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -03-Muxarram-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -03-Muxarram-1447-Hijri

June 18, 2026
Cirro Oo Ka Hadlay Saldhigga Yahuudda Ee Somaliland Iyo Duulimaadyo Isku Xiraya Hargeysa & Talaabiib.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Ka Hadlay Saldhigga Yahuudda Ee Somaliland Iyo Duulimaadyo Isku Xiraya Hargeysa & Talaabiib.

June 18, 2026
Dhagayso Andalus Podcast: Raadadka Mugdiga Ah Iyo Sooyaalka Madow Ee Jaasuusnimada.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: Raadadka Mugdiga Ah Iyo Sooyaalka Madow Ee Jaasuusnimada.

June 18, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada