Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Dowlada Kenya Oo Qiratay In Askar Looga Laayay Lamu.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Dowlada Kenya Oo Qiratay In Askar Looga Laayay Lamu.

November 30, 2017

Saraakiil u hadashay dowlada saliibiyada ah ee Kenya ayaa xaqiijiyey in laba askari lagu dilay, saddex kalena lagu dhaawacay weerar kamiin ah oo dhawaan ciidamada Mujaahidiinta ay u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya xilli ay marayeen wadada halbowlaha ah ee isku xirta magaalooyinka Lamu iyo Malindi.

Larry Kiyenga oo ah taliyaha Police-ka ee gobolka xeebta ayaa sheegay in ciidamada loo dhigay weerar dhabagal ah xilli ay galbinayeen shan gaari oo basas ah oo ka soo ambabaxay magaalada Lamu kuna sii jeeday magaalada Mombasa.

Sarkaalkan ayaa sheegay in laba askari lagu dilay weerarkaas, laguna dhaawacay saddex kale. Wuxuu intaas ku daray in weerar kale oo dhabagal ah lala eegtay ciidamo ka tirsan guutada GSU oo gurmad ahaan u soo aaday halka uu weerarku ka dhacay.

Wuxuu sheegay in askar dhowr ah laga dhaawacay, kuna baxsadeen si dirqi ah ka dib markii ay ku dhaceen weerar gaadma ah.

Dadka deegaanka ayaa wargeyska daily Nation u sheegay in diyaarado Hilicopters ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay maalintii oo dhan dul heebaabayeen hawada goobta uu weerarku ka dhacay balse ragga weerarka fuliyey ay si nabad ah kaga baxsadeen goobta.

Wargeyskan ayaa sidoo kale sheegay in Mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen gaadiidkii basaska ah ee ay galbinayeen ciidanka ka dib markii ay ciidamadu kala firxadeen balse wuxuu sheegay in aanan wax dhibaato ah la gaarsiinin dadkii rakaabka ahaa maadama ay dhamaantood ahaayeen dadka Muslimiin ee ka soo jeeda gobolka xeebta.

“Dagaalyahanadu waxay wateen darees military, waxay dadku u qeybiyeen warqado yaryar, wax dhibaato ahna uma geysan” ayuu yiri wargeyska.

Qof ka mid ah rakaabka oo la hadlay wargeyska daily Nation ayaa sheegay in dagaalyahanada mujaahidiinta ay gudaha u soo galeen basas, lana sheekeysteen dadka, ka dibna ay qeybiyeen warqado yaryar oo ay ku qoran yihiin qoraallo kooban.

“Gaari Police-ka ee na galbinayey masaafo ayuu naga dambeeyey, Baskeena ayey markii hore joojiyeen. Waxaan arkay laba iyaga ka mid ah, aad bey u hubeysnaayeen, iskuna qarinayeen. Gaariga ayey soo galeen, ka dibna weyna baareen ka hor inta aysan warqadaha noo qeybin” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah goobjoogeyaasha u waramay wargeyska.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ka dib wey ka soo dageen gaarigeena, ka dibna waxay aadeen dhanka gaadiidkii naga dambeeyey, markaas ayeyna ahayd markii aan maqalnay rasaas xoogan oo marqura bilaabatay” ayuu yiri.

Ilo wareedyo ka tirsan police-ka gobolka oo uu soo xiganayo wargeyskan ayaa sidoo kale tilmaamaya in la la’yahay laba askari oo dheeraad ah kuwaas oo loo maleynayo in ay maxaabiis ahaan u wateen Mujaahidiinta intii lagu gudajiray weerarka.

Weerarkan wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ciidamada military-ga Kenya ay aad u hadal hayeen howlgalo ay ka wadaan keymaha Boni ee Jaziirada Lamu kuwaas oo ay sheegeen in lagu dilay boqolaal ka mid ah Mujaahidiinta, laguna nadiifiyey dhulka howdka ah ee dhaca xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Police-ka ayaa tilmaamaya in howlgalada ciidamada military-ga iyo diyaaradahooda ay ka wadaan keymaha Boni ay sababtay kaliya in mujaahidiintu ay gudaha u sii galaan dalka Kenya, islamarkaana ay hadda weerarada u soo wareegeen wadooyinka hal bowlayaasha ah ee isku xira gobolada Lamu iyo Mombasa.

Joseph Kanyiri  oo ah agaasimaha ololaha ka socda keymaha Boni ayaa sheegay in Mujaahidiinta Al-Shabaab ay hadda isticmaalayaan wax uu ku sheegay dacayaat cusub taas oo uu sheegay in ay ku buun-buuninayaan howlgalka ay ka wadaan gobolka, kuna kasbanayaan quluubta dhalinyarada iyagoo ka dalbanaya in aysan la shaqeynin ciidamada Amaanka iyo hay’adaha dowlada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay qeybiyaan Cajalado iyo memory-yaal laga soo buuxiyey Aflaam, iyo kalimaad ay doonayaan in ay ku qanciyaan dhalinyarada Muslimiinta si ay ugu soo biiraan.

Dowladda Saliibiyada ah ee Kenya oo dadaal nooc kasta ah ku bixisay ka hortagga isfidinta mujaahidiinta ee gudaha Kenya ayaa hadda la nool marxalad cusub oo uu galay dagaalka ka dib markii mujaahidiintu ay ka soo gudbeen darbiyada lagu dhiriray xuduudaha, iyo duqeymihii cashwaa’iga ee keymaha, dhimiblaha dagaalkuna gaarsiiyeen Al-baabada Malindi iyo Tana River.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weerar Askar Lagu Dhaawacay Oo Ka Dhacay Duleedka Waajid.
Next: Diyaaradaha Yahuuda Oo Duqeeyay Jiida Gaza.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1448-Hijri

June 16, 2026
Mujaahidiinta Oo War Kasoo Saaray Booqashadii Uu Cirro Ku Tagay Dhulka Yahuuddu Xoogga Ku Haysato (Bayaan)Akhris+Dhagaysi.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Oo War Kasoo Saaray Booqashadii Uu Cirro Ku Tagay Dhulka Yahuuddu Xoogga Ku Haysato (Bayaan)Akhris+Dhagaysi.

June 16, 2026
Cirro Oo Si Rasmi Ah Xarigga Uga Jaray Safaarad Maamulkiisu Ka Furtay Qudus.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Si Rasmi Ah Xarigga Uga Jaray Safaarad Maamulkiisu Ka Furtay Qudus.

June 16, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada