Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Cabsi Xoogan Oo Soo Wajahday Maamulka Yahuuda.
  • Allposts
  • Warar

Cabsi Xoogan Oo Soo Wajahday Maamulka Yahuuda.

May 2, 2018

Wararka Ka imaanayo Dhulka Filistiin qeybtiisi Gumeysiga Yuhuuda ku hoos jiro ayaa sheegaya in Maamulka Yuhuuda ay xireen Hawada ay la wadaagaan Wadanka Suurya kadib cabsi xoogan oo soo food saartay.

Maamulka Yuhuuda ayaa shaaciyey in joojiyeen dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha e dul mari jiray Buuraha Jooolaan ilaa deeganada dhaca Bariga Wabiga Urdun, xilli ay halkaas ka jirto dhiillo colaadeed.

Maamulka Yuhuuda ayaa sheegay inay ciidankooda heegan buuxa galiyeen si ay uga feejignaadaan weeraro gaadmo ah oo uga yimaada Xuduud-beenaadka wadanka Suuriya.

Xiisadan ayaa u dhexeysa Yuhuuda iyo Maleeshiyaatka Iiraan taageersan ee ku sugan gudaha wadanka Suuriya.

Wargeyska Haaretis ee yuhuudu ay leedahay ayaa qoray in madaxda Tala Abiib ay ku wargeliyeen wadamada Mareykanka iyo Ruushka iney weerar ku qaadi doonaan gudaha Iiraan hadii ay weerar kala kulmaan Maleshiyaadka Shiicada ah ee ku sugan Syria iyo Lubnaan.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Labo Maalin ka hor Diyaarado loo maleynayo inay Yuhuudu leedahay ay duqeyn u geysteen Xero Maleeshiyaatka Shiicada ah ee Iiraan ay ku leeyihiin Gudaha wadanka Suuriya ayna ku dileen 19 Iiraaniyiin ah, waxaana kasii horeyey weerarkaan Mid kale oo diyaradaha Dagaalka Yuhuuda ay ku duqeyen Garoonka T4 oo la sheegay in Iiraan ay ka hagto kuna farsameyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Maamulka Yuhuuda ayaa sheegaya inuusan ogolaan doonin in Askarta Iiraaniyiinta ah iyo maleeshiyaatka shiicada ah ee taageerada siinaya nidaamka Bashaar Al-Asad ay kasoo ag-dhawaadaan xuduud-beenaadka wadanka Suuriya uu la wadaago dhulka la haysto ee Falastiin.

Diyaarada dagaalka Yuhuuda ayaa dhowr jeer oo hore weerar dhanka cirka ah ku qaaday saldhigyo ku yaalla gudaha Suuriya, iyadoo sheegeeysa inay beegsanayso saraakiil ka tirsan ciidanka wadanka Iiraan iyo maleeshiyaatka shiicada ah, waxaana jira hanjabaado dhowr ah oo kasoo yeeray madaxda wadanka Iiraan kuwaas oo sheegaya inay Yahuuda ka aargoosan doonaan, balse weli lama soo sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadeen.

Wadanka Suuriya ayaa waxaa ku sugan kumanaan saraakiil, ciidamo iyo maleeshiyaat Iiraaniyiin ah oo ka garab dagaalamaya nidaamka Nusayriga ah ee Bashaar Al-Asad, waxaana ay Yuhuudu doonaysaa in Shiicadu ay ku ekaato oo kaliya xasuuqa dadka Ahlu Sunnaha ah ee reer Suuriya, balse aysan kasoo agdhawaanin xuduud-beenaadka u dhexeeya Suuriya iyo dhulka Falastiin ee ay Yuhuudu gumaysato.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Askar American Ah Oo Lagu Dilay Bariga Dalka Afghanistan.
Next: Osama Bin Laden.. Shahiid Sharfan oo 7 Sanadood Kadib Aan Meydkiisa Meelna Lagu Sheegin WARBIXIN.

Related Stories

Sarkaal Iyo Askar Maleeshiyada Axmed Madoobe Looga Dilay Duleedka Kismaayo.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Iyo Askar Maleeshiyada Axmed Madoobe Looga Dilay Duleedka Kismaayo.

July 17, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -23-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -23-01-1447-Hijri.

July 17, 2025
Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka ‘Puntland’ Oo Eedayn Culus U Jeediyay Deni.
  • Allposts
  • Warar

Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka ‘Puntland’ Oo Eedayn Culus U Jeediyay Deni.

July 17, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025

Sawirro

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada