Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkan waxaa barnaamijka lagu soo qaatay mowduuc muhiim ah, kaasi oo diiradda saaraya Ahmiyadda cilmiga Xadiithka, Maraaxisha uu soo maray, qeybaha uu ka kooban yahay iyo wadiqooyinka ugu fudud ee lagu baran karo, waxaana toddobaadkan barnaamijka marti ku ah Sheekh Cabdiraxmaan Firin.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.