Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dowlada Mareykanka Oo Dadkeeda Uga Digtay Iney U Safraan Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Dowlada Mareykanka Oo Dadkeeda Uga Digtay Iney U Safraan Somalia.

July 9, 2018

Wazarada arimaha dibada Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socoto Muwaadiniinta American-ka ah ee doonaya inay u safraan wadanka Somalia, iyagoona sheegay inay jirto halis xoogan oo ka jirta dhamaan gobolada Koofur, Bari iyo Woqooyiga Somalia.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wazaarada, laguna daabacay website-keeda Rasmiga ah ayay digniintan ugu direen Muwaadiniintooda, balse Markaan xaalku waa ka duwanaa digniinadii hore oo heerkiisa waxa uu gaarsiisan yahay Dhiinjar ama Casaan.

Wazaarada Ayaa amar buuxa ku siisay muwaadiniinta Mareykanka ah inaysan u safrin Somalia, waxa ayna sheegeen in wadankan ay ka jirto khataro dhowr ah oo isugu jira weeraro ay ku sheegeen Argagixisanimo, Burcad Baddeednimo, Afduub iyo falal kale oo dhowr ah, waxa ayna tilmaantay inay helayaan xogo sheegaya inay jiraan qorsheyaal dilal iyo afduub isugu jira oo ka dhan ah Muwaadiniinta Americanka ah ee  ku sugan Somalia.

Muwaadiniinta American-ka ah ayaa lagu yiri, waxaa suurta gal ah in Argagixisadu ay beegsadaan Garoomada, Dekedaha, dhismayaasha dowlada, Hoteelada, iyo xarumaha ay degan yihiin dadka reer galbeedka ah, sidoo kalena waxaa suura gal ah inay beegsadaan Gaadidka ay ku socdaalaan dadka madaxda ah, Ciidanka Militariga dowladda, kuwa Amisom iyo Kolonyo kasta oo ay la socdaan dadka reer galbeedka ah, sidaa darted waa in aydaan u safrina Somalia.

Qoraalka oo ahaa mid dheer ayaa sidoo kale lagu Yiri, Burcad Badeeda Somalida dib ayay usoo noolaadeen waxa ayna ka howl galaan biyaha Somalia iyo Biyaha caalamiga ah ee kuxeeran, sidaa darteed waa inaad ka fogaataan Safaro badda ah oo Somalia Baddeeda aad ku mareysaan.

Sidoo kale qoraalkan ayey Wazaarada ugu baaqday muwaadiniinta American-ka ah inaysan ku safrin diyaaradaha Shacabka ee u safraya gudaha Somalia iyo wadamada ku xeeran, sababtana waxa ay ku sheegeen inay jiraan Khataro kale oo arinkaa ka dhalan kara, waxa uuna warkan imaanaya xilli waaxda duulimaadka Mareykanka ay horey usoo saareen bayaan ay digniin ugu dirayaan muwaadiniintooda doonaya inay u socdaalaan Somalia.

Wazaarada ayaa sheegtay In Americanku aysan awood badan u lahayn inay gurmad degdeg ah u fidiyaan Muwaadiniintooda ku sugan Somalia, Sababo la xiriir Mareykanka oo aan Qunsilayad joogta ah ku lahayn dalka Somaliya.

Ugu danbeyn wazaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda siisay talooyin dhowr ah, hadii ay lagama maarmaan noqoto inay u safraan Somalia, si amaankooda looga war qabo, waxaana ugu muhiimsanaa talooyinka la siiyey in qof kastaa uu iska diiwaan galiyo xafiiska wazaarada Arimaha dibada si dhaqdhaqaqiisa loola socdo, uuna qaato saacad ama mobile ay ku rakiban yihiin qalab lamid ah GPS-ka oo lagu ogaan karo halka uu kusugan yahay xili kasta.

Inuu iska hubiyo cida uu ku aaminayo Naftiisa iyo hantidiisa, si joogta ahna uu ula socdo isbadalada ku saabsan xaaladaha ka jiro Somalia, si uu kaga fogaado goobaha ay halista badani ka jirto isagoo la soconaya Website-ka wazaarada.

Iyo in uu ka tago wax kasta oo xaddidi kara shakhsiyadiisa sida Passaporka, ID-kaarada, warqadaha aqoonsiga jaamacadaha iyo wixii lamid ah, iyo in xiriir tooos ah uu lasameeyo Safarada Mareykanka ee Nairobi iyo hey’adaha sirdoonka sida FBI iyo CIA.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli Mujaahidiinta AlShabaab ay kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Murtadiinta iyo Saliibiyiinta duulaanka ah ee ku sugan Wadanka Muslimka ah ee Somalia sidoo kalena waxaa dhawaan Magaalada Muqdisho laga afduubtay haweeney u dhalatay wadanka Jarmalka oo u shaqeyneysay Hey’ada ICRC, taas oo ilaa hadda aan la ogeyn cida afdubatay iyo halka ay ku danbeyso intaba.

Sidoo kale waxa ay kusoo aadeysa xilli Bishii June ee aan soo dhaafnay dowlada Ingiriiska ay sidaan oo kale muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Somalia , sidoo kalena ay ka dalbatay kuwa ku sugan inay si degdeg ah uga soo baxaan, sababo ku aadan cabsi xoogan oo laga qabo weeraro ka dhan ah muwaadiniinteeda oo ka dhaca wadanka Somalia.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Akhriso Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Dalka Tuunis.
Next: Video: Shariif Xasan Oo Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM Ku Eedeeyay In Ay Maamulkiisa Ufuri Waayeen Waddooyinka.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026
Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.

June 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada