Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Madaafiic Lagu Garaacay Diyaarad Sahay U Siday AMISOM.
  • Allposts
  • Warar

Madaafiic Lagu Garaacay Diyaarad Sahay U Siday AMISOM.

July 30, 2018

Tiro Madaafiic ah ayaa lagu beegsaday diyaarad Milatari oo nooca Helicopter-ka ah xilli ay ku soo dageysay saldhig Milatari oo ku yaalla duleedka degmada Baraawe.

Diyaaradda oo sahay u sidday Ciidamada shisheeye ee ku sugana gudaha Baraawe ayaa lagu beegsaday madaafiicda xilli ay ku soo dageysay gudaha saldhig ku yaalla deegaanka Ambareeso ee duleedka Baraawe.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen meel aan ka fogeyn diyaaradda taas oo keentay in qalqal weyn uu ka dhaco gudaha saldhigga, ugu danbeynna diyaaraddii ay carartay iyadoon wax sahay ah dajin.

Ciidamo fara badan oo ku xoomay diyaaradda si ay sahayada uga dajiyaan ayay soo gaareen khasaarooyin kala duwan, iyadoona la xaqiijiyay ilaa hadda dhimashada 3 askari oo 2 ay yihiin kuwa Soomaalida iyo 1 ka tirsan Ciidamada Uganda.

Diyaaradda Helicopter-ka ayaa si halhaleel ah uga duushay goobta, waxaana fashil uu ku yimid qorshaheedii walow ay Ciidamada shisheeyuhu isku dayeen in saaka ay ammaanka diyaaradda sugaan oo si nabad galyo leh ay sahayda u soo dajistaan.

Ciidamada Shisheeyaha ee ku sugana gudaha degmada Baraawe ayaa hore uga caagay in sahaydu ay ugu timaado dhulka sababo ku aaddan weerarrada Kamiinada iyo qaraxyada, waxeyna dhawaan u weecdeen dhanka Badda, laakin markab sahay u siday ayaa isaguna la duqeeyay waqti uu ku soo xiranayay dekadda Baraawe.

Waxey maanta isku dayeen dhanka Cirka iney u weecdaan oo sahayda lagu soo gaarsiiyo diyaarad, laakin iyaduna ma guuleysan, sidaas darteed waxey u muuqdaan Ciidamada shisheeye ee Baraawe jooga kuwa go’doon ka ah Bad, Birri iyo Cir, haddii ay sidaasi sii socotana waxey sii kordhin doontaa culeysyada hadda heysta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weeraro Ka Kala Dhacay Gobalada Banaadir Iyo Shabeelada Hoose.
Next: Sarkaal Sare Oo Lagu Dilay Dalka Yemen.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026
Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.

June 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada