Maleeshiyaadka daacadda u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa guulo ka sheegtay iska hor’imaadyo culus oo maalmo ka hor ka dhacay magaalada Baydhabo iyo duleedyadeeda.
Xasan C/qaadir oo sheegta in uu yahay wasiirka arrimaha gudaha Laftagareen ayaa ku ammaanay maleeshiyaadka maamulkiisa in ay gacanta kusoo dhigeen saanado hub ah oo ku xaraysnaa bakhaarro kuyaal gudaha magaalada Baydhabo islamarkaana ay dileen maleeshiyaad farabadan oo katirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Wuxuu carrabaabay in weerarkii dhacay sabtidii lasoo dhaafay ay ku beegsadeen saldhigyo ciidan oo bartilmaameed u ahaa islamarkaana ay gaareen hadafkii ay weerarka ka lahaayeen.
Dhinaca kale Maleeshiyaadka daacadda u ah Xasan Gurguurte ayaa magaalada Baydhabo kusoo rogay Bandow adag kaasi oo saameyn ku yeelan doono shacabka rayidka ah.
Wasiir katirsan maamulka fadhigiisu yahay Baydhabo ayaa ku goodiyay in tallaab adag laga qaadi doono ciddii ku xadgudubto bandowga oo uu ku sifeeyay mid lagu sugayo amniga magaalada islamaraana looga hortagayo kooxaha mucaaradka ah.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa bilihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay kadib markii ay sii xoogeysteen weerarada hubaysan ee ay qaadayaan ciidamada daacadda u ah cabdicaziiz Laftagareen.