Maamulka Riddada ee uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan maleeshiyada maamulkaasi, kaddib markii uu ka cowday mushaar la’aan soo wajahday.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabirisaaq Wayrax, ayaa lasoo wariyay in lagu xiray xerada 54-aad ee kutaal Garoowe, Halkaas oo looga yeeray ka dibna xabsi lagu geliyay.
Eheladiisu waxay sheegeen in sarkaalkan lagu amray in uu tago xerada 54-aad, markii uu goobta tagay na lagu soo wargeliyay in halkaas xabsi ciidan lagu geliyay.
Saraakiil ka agdhawaa sarkaalka la xiray, ayaa sheegay in xarigga laga soo amray madaxtooyada looga arrimiyo maamulka Puntland, wallow aysan jirin war rasm ah oo kasoo baxay maamulka oo ku aaddan xarigga sarkaalkaasi.
Xarigga sarkaalkan, ayaa kusoo beegmaya markii maalmo ka hor uu ka cowday mushaar la’aan baahsan oo soo wajahday isaga iyo saraakiisha iyo maleeshiyada kale ee ku sugan xerada lagu xabisay.
Wuxuu sheegay in muddo laba sanadood ah aysan wax mushaar ah ka helin maamulka Ridada ee Puntland, waxaa intaa dheer buu yiri in uu jiro dayac dhanka caafimaadka ah oo haysta maleeshiyada maamulkaasi.
Saraakiil ka tirsan xeradiisa, ayuu sheegay inay dhowaan xaalado caafimaad darro ugu geeriyoodeen magaalada Garoowe, kaddib markii laga saaray buu yiri cisbitaalka sababo ku aaddan dhaqaale xumo haysata.