Bayaan uu soo saaray xafiiska urur gaaleedka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin in natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wadahadalladii u dhaxeeyey madaxda kooxda Riddada Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ee ku bahoobay Golaha Mustaqbalka.
Bayaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in weli aan xal laga gaarin khilaafaadyadii jiray, iyadoo warsaxaafadeedlaasi lagu sheegay in Soomaaliya ay galayso marxalad kala-guur ah.
Qaramada Midoobay waxay kooxda Riddada Soomaaliya usoo jeedisay inay mudnaanta siiso wadatashi loo dhan yahay oo lala yeesho dhammaan saamileyda siyaasadda.
Maadaama daba-dhilifyadani ay u adeegaan danaha reer galbeedka, wuxuu ururkan ugu baaqay inay is-xakameeyaan kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara kala-qaybsanaanta siyaasadeed.
Sidoo kale waxay Qaramada midoobay xasuusisay labada dhinac, inay diyaar u tahay sii wadidda taageerada dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya daba-dhilifyadooda Soomaaliya.
Dhanka kale, ururka midowga gaalada Africa, ayaa bayaan uu soo saaray walaac xooggan uga muujiyay fashilka iyo natiijo la’aanta ay kusoo dhamaadeen wadahadallada u dhaxeeyay Villa Somalia iyo mucaaradka, waxayna dhinacyada is-diiddan uga digeen inay ku adkeystaan halka ay kala joogaan.