Madaxii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya ayaa shaaciyay in Xasan Gurguurte uu wado abaabul uu ku weerarayo xubnaha mucaaradka ah ee ku sugan xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
isagoo shir jaraa’id uqabtay warbaahinta ayuu xaqiijiyay in kooxda Riddada Soomaaliya ay diyaarisay maleeshiyaad hubeysan oo loogu talagalay in ay dilaan ama ay xireen siyaasiyiinta mucaaradka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay weerarkaas iyadoo marmarsiimo looga dhiganayo in uu kasoo laabtay dalka Imaaraatka Carabta oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo kooxda Ridada soomaaliya.
arrimahan ayaa kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay wadanka Imaaraatka carabta kulamo uga socdeen inta badan madaxda mucaaradka waxaana latuhunsanyahay in ay halkaas uga tashanayeen sida ay kuwa jahayaan siyaasadda Xasan Gurguurte.