Dowladda Xabashid Itoobiya ayaa warqad ay u dirtay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ciidamada Eritrea ay duullaan ballaaran ku qaadeen qaybo ka mid ah waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, taasina ay ku khasabtay inay ka jawaabto si ay isu difaacdo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa warqadda ku sheegay in ciidamada Eritrea ay gudaha u galeen gobolka Tigray masaafo gaareysa 60 kiiloomitir, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay gardarro ka dhan ah Itoobiya. Waxaanu caalamka ka codsaday in Itoobiya loo muujiyo taageero iyo garab-istaag.
Dhanka kale, Eritrea ayaa beenisay eedeymaha ku saabsan in ciidamadeedu gudaha u galeen Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa hore u sheegay in wararkaasi ay qayb ka yihiin qorshe Itoobiya doonayso inay ugu marmarsiyootto dagaal ay ku qaaddo Eritrea.
Hey’adda dabagalka colaadaha ee ACLED ayaa sheegtay in weerarro Drones loo adeegsaday oo loo malaynayo inay fuliyeen ciidamada Itoobiya, lagu bartilmaameedsaday ciidamada Eritrea xilli ay ka baxayeen fariisimo u dhow magaalada Adigrat ee waqooyiga Itoobiya.
Dhinaca gobolka Tigray weli dagaallo culus ayaa ku dhex-maraya ciidamada federaalka iyo TPLF, halka Jabhadda Fano ay sheegtay in dagaallo ba’an kadib ay khamiistii la wareegtay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla aagga Showa ee gobolka Amxaarada.
Sida ay jabhaddu shaacisay, waxaa nolosha lagu qabtay 520 askari oo ka tirsan ciidanka federaalka, halka dhowr boqol oo kalena dhegta dhiigga u dartay. Waxa kale oo Fano ay ku dhawaaqday in sidoo kale dagaalladan ay kula wareegtay hub iyo saanad millateri oo aad u fara badan.
Maamulka Abiy kama uusan hadal sheegashooyinka Fano, balse warbaahinta Ethiopian Media Services ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa baahisay muuqaallo muujinaya askar gacanta lagu dhigay oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada federaalka Itoobiya.
Waxa kale oo baraha bulshada si weyn u qabsaday sawirro laga dheehan karo kooxo lagu tilmaamay inay ka mid yihiin jabhadda Fano oo ku roondaynaya gudaha magaalooyinka ay la wareegeen gacan-ku-heyntooda.